Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay xanuunka Ebola ee laga helay dalka Uganda

MUQDISHO-SAREEYE FM

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Drs. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in Soomaaliya aysan ka jirin xilligaan walaac ku aaddan inuu ka dilaaco Cudurka Eboola oo kiis ka mid ah laga helay dalka Uganda.

Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka caafimaadka dowlada federalka ayaa lagu sheegay in wasaaradu ay si dhow ula socoto xaaladaha cudurka Ebola ee dalka Uganda balse haatan aysan jirin wax halis ah oo cudurkaas uga iman kara dalka Soomaaliya.

Ciidamo ka socda dalka Uganda ayaa ku sugan wadanka Soomaaliya iyadoo ciidamada dalka Uganda ay yihiin kuwa ugu badan ee jooga Soomaaliya.

Qoys ka soo tegey dalka Kongo oo uu cudurkan ka jiro ayaa laga helay iyagoo jooga dalka Uganda cudurka Ebolaha waxaana labo ka mid ah xubnaha qoyskaas ay ku geeriyoodaan gudaha dalka Uganda halka qoyska intiisii kale oo qaar ka mid ah uu hayo cudurka dib loogu celiyay dalka Jamhuuriyada Kongo.