Dowlada Soomaaliya oo guul ka gaartay in qaar kamid ah daymaha lagu leeyahay laga cafiyo
Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa Muqdisho ku kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo Soomaaliya looga cafinayo deymaha uu ku leeyahay Mareykanka.
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto iyo sii hayaha wasiiirka maaliyada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa kala saxiixday heshiis labo geesood ah kaas oo lagu dhimayo dibna loogu qaabeynayo deynta Soomaaliya ay ku leeyihiin saddex hey’adood oo Dowladda mareykanka ah,waxaana heshiiskan goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka cafisay qeybtii uga soo aadday deyn cafintii dalalka Naadiga Paris.
“Sharaf ayay ii tahay in aan maanta la saxiixanay Dowladda Mareykanka Heshiis uu nooga cafiyay qaar ka mid ah deymihii uu Soomaaliya ku lahaa, iyadoo la fulinayo natiijada heshiiskii ay gaareen dalalka Paris Club oo Soomaaliya ka saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan,” ayuu yiri Wasiir Beyle.
Dowlada Soomaaliya oo dhankasta kaga jirta soo kabasho ayaa horumaro iyo guulo waa weyn ka gaartay in Soomaaliya laga cafiyo daymaha lagu leeyahay si ay u samayso dhaqaalo iyo isku filnaansho.
Soomaaliya ayaa marxaladii koobaad ka soo gudubtay bishii maarso ee sanadkaan, waxayna ku guulaysatay in laga cafiyo daymo lagu lahaa, taasi oo waji wanaagsan u yeeshay Hanaanka dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka.
Ugu dambayn Ra’iisul waasaraha Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ka ahaa Cafinta deyna ayaa bogaadiyey guulaha ay gaartay Dowladda Soomaaliya, isagoo kaga mahad celiyey Dowlada Mareykanka sida ay u garab taagan yihiin dhiggooda Soomaliya