Dowlada Somaliya Oo Tacsi Udirtay shacabka iyo dowlada Ethopia…

Dowlada fadaralka somaaliya ayaa baroor diiq u dirtay shacabka  dalka Ethiopia oo dhawaan ka dhacay afgambi fashilmay kaa oo sababay dhimashada madax katirsan maamulka amxaarada iyo saraakiil kale oo muhiim u ahaa dowlada Abiy Ahmed Ali

Hadal qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada warfaafinta xukuumada fadaralka somaliya oo u badnaa tacsiyeen ay shacabka ethopia kaga tacsiyeenayaan dhibatada ka dhacday dalka Ethiopia ayaa lagu yiri

“Dawladda Soomaaliya waxay cambaareyneysaa isku daygii fashilmay ee ujeedkiisu ahaa in lagu afgembiyo xukuumadda sharciga ah ee gobolka Amxaarada ee Itoobiya. Waxaan ka xunnahay khasaaraha nafeed ee ka dhashay isku dayga Afgambi, kuna baaqeynaa in la adkeeyo sharciga iyo kala dambeynta,”

Dhawaan ayeey aheeyd markii isku day afgambi uu ka dhacay dalka Ethiopia kaa oo sababay geerida madaxweynihii ismaamulka amxaarada iyo waliba taliyii guud ee ciidamada dowlada ethopia waxaana la filayaa in resulwasaare Abiy Ahmed Ali uu ku dhawaaqo boroor diiq qaran oo loo sameenayo dadkii ku geeryooday iskudayga afgambi ee fashilmay