Dowlada Kenya oo Warsaxaafadeed ka soo saartay, cayrintii Safiirkii u fadhiyey Soomaaliya

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay inaysan weli Soomaaliya ka helin xiriir rasmi ah oo ku saabsan go’aan la xiriira inay dalkiisa usoo dirtay safiirkii Kenya ee Muqdisho, Lucas Tumbo.

Qoraal ay soo saartay wasaaradda aarimaha dibada Kenya ayaa lagu sheegay, in si kastaba, ay ka war-heshay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, oo ay ugu yeeratay safiirkii Soomaaliya ee Nairobi, islamarkaana dalkiisa dib ugu celisay kii u fadhiyey Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay inay si qoto dheer ugu xun tahay ficillada dowladda Soomaaliya, ay dalkiisa ugu soo dirtay safiir Lucas Tumbo, taasi oo ay ku tilmaamtay “Arin nasiib darro ah.”

“Ficilkan waxaa loo sababeeyey eedeymo aan la xaqiijin, oo ku saabsan ‘faro-gelin Kenya ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.’ Dowladda Kenya waxa ixtiraameysa mabaad’ida caalamiga ah, aaya-ka-tashiga, qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed iyo sharafta dhuleed ee dhammana dalalka, gaar ahaan kuwa Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kenya ayaa sheegtay inay ku celineyo taageerada ay u hayso tallaabooyinka ay qaadday dowladda federaalka ee la xiriira fulinta tub siyaasadeed ku saabsan siyaasad loo dhan yahay, oo ay ku jirto heshiiskii September ay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ka gaareen hanaanka doorashada.

Waxay intaas ku dartay inay ku taageereyso dhammaan shacabka Soomaaliyeed raadinta ay ugu jiraan nabad iyo xasillooni loo maro diblomaasiyad, ayada oo caawimaad ka gaysaneysa dib aas-aasidda ay ku raadinaya nabad waarta.

“Ujeedada dadaalladaan ayaa ah in la kobciyo nabadda, xasilloonida iyo deris-wanaagga oo dammaanad qaadaya aasaas adagna u noqonaya barwaaqada siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qaraalkaan ay soo saartay Kenya ayaa ka muuqda mid ay iskaga fogaynaso faragalinta qaawan ee ay ku hayso Soomaaliya, taasi oo Dowlada Soomaaliya ku eedaysay in ay cadaadis saaray Hogaamiyaha Jubaalnd, si uu u baal maro heshiisyadii laga gaaray Hanaanka Doorashada Soomaaliya