Dowlada Kenya oo soo jeedisay qaraar ka dhan ah kooxda Al Shabaab
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in A Shabaab wali halis ku yihiin nolosha dadka, waxa ayna xustay in weerarkii Kismaayo dad badan tusineyso qatarta kooxdaasi waxayana tacsi u dirtay qoyska iyo qaraabada dakoodii halkaasi ay ku nafwaaye.
Monica Juma ayaa Golaha ammaanka ka dalbatay in kooxda Al Shabaab lagu daro liiska waxa loogu yeero Argagixisada, si loo dhimo awooda sii kordheysa ee kooxdaasi yeelaneyso.
Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya ayaa ugu baaqday golaha amaanka in ay si deg deg ah uga hadlaan qatarta muuqata ee kooxda Al Shabaab , waxa ayna xustay in kooxdaasi usoo jeesatay in dadka micno daro u laayaan.
Hadalka kasoo yeeray dowlada Kenya ayaa kusoo imaanayaa xili Al Shabaab galabtii Jimcaha magaalada Kismaayo ka geesteen weerar xoogan oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.