Dowlada Kenya Oo garowsatay halka ay somaliya ka taagantahay go,aankeeda dacwada maxkamada ICJ…….
Tan iyo markii ay dowlada somaliya ka qeyb kashay shirkii londan oo ay somaliya kusoo bandhigtay kheyraadka iyo shidaalka ku jira dalkeeda
Waxaa isisoo tarayay talaabooyin cadaadis ah ay dowlada Kenya ku dooneysay ineey somaliya ku joojiso dacwada muranka bada ah ee somaliya geysay maxkamada caalamiga ah ee ICJ .
Balse dowlada somaliya ayaa si ay ku dheehantahay diplomasinimo waxeey ku wajahday talaabooyinka ay qaaday dowlada Kenya iyadoo somaliya dhamaan talaabooyinka ay kaga falcelisay in la ilaaliyo xiriir wanaaga ka dhaxeeya labada dowladood dowlada somaliyana ay aad kaga xuntahay talaabada ay qaadeyso dowlada Kenya.
si kastaba dowlada Kenya ayaa iminka aad ugasoo jilicday sidii hore iyadoo dhowr jeer ku celcelisay ineey dowlada somaliya ay weerar ku tahay siyaasada dalka Kenya