Dowlada Kenya oo dib u bilowday dhismaha xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya
Dowlada Kenya ayaa dib u bilowday Dhismaha xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Darbigaan ayaa Wasaarada arimaha Gudaha ee Dalka Kenya, waxay bilowday 2015kii ayaadoo hawsha ay bilaabatay, dhisada gidaraan u dhaxeeya Soomaliya iyo Kenya dabayaaqadii Sanadii 2016kii.
Darbigaan oo hadal hayntiisa ay badatay, shacabka ku nool Gobalka Gadana ay u cuntamiwayday ayaa dhow jeer waxaa halkaasi dagaalo ku dhexmareen Ciidamada Kenya iyo Shacabka dagan halkaasi.
Madaxwaynaha Jamhuiriyada Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo dhigiisa uhuura Kenyaata, ayaa heshiis ay galeen lagu joojiyey dhisida darbigaasi Sanadii 2018kii.
Dowlada Kenya oo kawada dhul balaaris Gudaha Soomaliya, ayaa doonaysa in qaar kamid dagaanada Soomaalida ay ku darsato gidaarkaan.
Dowlada Kenya ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay Ciidamo dheeraad ah dhigtay xadka ay lawaadaagto Soomaaliya. Waxaana lagu soo waramayaa in ay bilowday dhismaha darbiga dheer ee ay ka dhisayso xadka labada Dal.
Ciidamada la dhigay xadka ayaa la sheegay in ay waardiyeen doonaan dhismaha darbigaas oo laga dhisayo dhanaka Dagmada Ceelwaaq ee Gobalka Gado.
Kornayl Aadan Rufle oo kamid ah, saraakii shii hore ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya kuna sugan Gobalka Gado, ayaa sheegay in Kenya ay soo celisay Dhismaha darbigaasi, asaga oo tilmaamay in uu sharci darro yahay dhisada dhismaha.
” Waxaan doonayaa in Shacabka Soomaaliyeed aan lawadaago Kenya in ay soo celisay darbigii, ayadoo ciidan badan gaysay xadka labada Dal” ayuu yiri Kornaylka.
Ugu dambayn Dowlada Soomaaliya ayaa la socota, sidoo kalana il gaar ku haysa damca ay ku doonayso in ay Kenya dhulbarlaaris ay ka samayso Gudaha Soomaliya, aydoo aan oganahy in kenya ay dhibaato ku hyaso shacabka ku nool Gobalka Gado, oo mar mar badan ay duqaymo ku dishay dad masaakiin ah oo waxba galabsan