DOWLADA FEDERAALKA EE SOOMALIYA 00 CASUUMAAD RASMI AH U FIDISAY MADAXDA DOWALD GOBLEEDYADA Dalka
Madaxweynaha JFS mudane maxamed cabdullhi Farmaajo ayaa ogolaaday inuu shir kale oo daba socda shirkii dhusomareeb “3” loo qabto dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada dalka si loo gaaro go’aan loo dhan yahay oo ku saabsan dooorashada la filayo inay dalka ka dhacdo dhamaadka 2020-iyo Bilowga 2021.
Madaxweynaha ayaa go’aankaasi Qaatay kadib markii uu kulan hordhac ah madaxtooyada Villa Somalia kula yeeshay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.
Wararka ayaa imtaasi ku dataya in madaxda Maamul Goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa aqbaleen inay kasoo qeyb galaan kulanka iyadoo la filayo in madaxweynaha uu u fidiyo casuumaad rasmi ah.
Xogta aan heleyno ayaa sheegeyso in madaxweyne Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe ah isku afgarteen in qodobadii kasoo baxay Dhuusamareeb 3 ay asal u noqdaan Shirka la filayo inuu Muqdisho ka furmo.
Madaxda maamul Goboleedyada ayaa la filayaa inay dhammaantood kusoo xaadiraan Shirka, waxayna wararka qaar sheegayaan inuu shirka furmo doono Talaado ama Arbaco midkood.
Madaxtooyada ayaa dadaal kasta ku bixineyso sidii shirkaas looga soo saari lahaa qodobo wax ku ool ah oo looga gudbo xaaladda kala guurka ah, waxaana muuqato in hadda madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay kasoo xirmeen dhammaan albaabadii cabashada .
Go’aanka uu gaaray madaxweyne Farmaajo ayaa keenay in Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay soo saarto qoraal deg deg ah oo ay kusoo dhaweeneyso in kulan wadajir ah Muqdisho loo qabto dhammaan maamul Goboleedyada si loo gaaro go’aano lagu mideysan yahay oo ku saabsan doorashada.
Go’aanka madaxweyne farmaajo uu qaatay ayey dadku ku fasireen go’aan Nabadoonimo ah iyo waliba mid geesinimo leh madama madaxweynuhu uu xalay Tabashooyinkii dhamaan madaxda jubbaland iyo Jubbland waxana arintaasi ku amanay safarada mareykanka ee somaliya