Dowalada Kenya oo xooga saaray sidii ay dhaqaale oga samayn lahayd Dal kugal wadankeeda ama
Fududeynta dalka kugalka Kenya, ayaa u muuqda mid dano dhaqaale ay kaleedahay Kenya.
Waxaa soo baxaya xogo dheeraad ah oo la xiriira ajandaha fududeynta dalku galka Kenya ama VISAHA uu yahay qodob ay Xukuumada Uhuuru Kenyaata ku dooneyso kaabe dhaqaale oo ay kaga kabaneyso hoos udhaca dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan Qaadka.
Macluumaadka ay heshay Sareeye ayaa sheegaya inay Kenyaatiga daneynayaa qulqulka Siyaasiinta utumasha taga Dalxiiska Magaalooyinka Neyroobi iyo Mombaasa ay ka sameyn karaa daqli xoog leh.
Xukumada Uhuuraha Kenyatta oo ku fashilantay in ay wax ka qabato dhaqaalihii badnaa ee ay ka heli jirtay Soomaaliya, ayaa hada xooga Saaraysa, in ay daqli ka samayso Siyaasinta Mucaaradka, kuwaasi oo u damaashaad taga Magalada Nayroobi ee Caasimada Kenya.
Xubnaha Mucaaradka ayaa hataan ku sugan Magalda Nayroobi, kuwaasi oo dagan Hoteelada ugu qaalisan dalkaasi, islamrkaana waxay ku jiftaan halkii hayman lacag gaaraysa 150 doollar.
Sidoo kale xubnaha Mucaaradka ayaa il dhaaqle u ah, Dowlada Kenya, islamarkanaa waxay safaro isbada joog ah ku bixiyaan Kenya, ayagoo inta halkaasi ay ku sugan yihiin dalxiis ku aado Magaalo Xeebeedka Maambaaza.
Si kastaba ahaatee Dowlada Kenya ayaa doonaysa in ay ka soo kabato hoos u dhicii kaga imaaday dhigeeda Soomaaliya, waxayna xusul duub ugu jirtaa in awoodeeda saarto sidii ay dhaqaale uga samayn lahayd Viisaha wadankeeda, ayadoo xusid Mudan tahay in ay dhaqaalo badan ay xasamaynaso Xubnaha Mucaaradka ee ku sugan Dalkeeda