Dowalada Kenya oo sharuud ku xirtay bixitaanka Ciidamada Kenya ee ku howlgala Amisom

Ciidamadda kenya oo si sharci darro ah ku soo galay soomaaiya ayay mas’uuliyiinta dalkaas had iyo jeer u raadiyan mar-marsiiyo ay kuu sii qaataan lacagaha badan ee qaramada midoobay iyo midowga Afrika ay ku bixiyaan nabadgelyadda soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Monica Juma, oo wareysi siisay Wargeyska Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi, ayaa faahfaahin ka bixisay sababaha ku xiran in milatariga Kenya ee ku sugan Soomaaliya laga soo saaro.

Monica Juma ayaa meesha ka saartay in Ciidamda kenya ee ku howlgala Amisom aysan ka bixi doonin iyadoo shuruudo ku xirtay bixitankooda.

“Runtii maba jiraan waxyaabo u baahan in la kala caddeeyo. Kenya waxay qeyb ka tahay waddamada ay ciidamadooda ku jiraan Amisom. Waxaan halkaas ku tagnay qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Laakiin waa la ogyahay in howlaha aan Soomaaliya ka wadno ay goor horeba sii socdeen laga soo billaabo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-1992-kii,” ayey tiri Juma.

Monica aya sidoo kale sheegtay in Ciidamada Kenya ay u imaadeen xasiloonida iyo sidii Amaanka Soomaaliya ay u Sugi lahaayen.

Ciidamada kenya ayaa tan iyo markii ay Gudaha Soomaaliya soo galeen sanadkii 2011kii, waxay tacadiyo kala duwan ka gaysteen dalka.

Sidoo kale Ciidanka Kenya ayaa dhowr jeer lagu eedeeyay in ay iibsadaan hubka iyo saanada loogu talo galay howlgalka Amisom.

Muddo ayey ku sugan yihiin Soomaliya Ciidamada Amisom, mana jirto guulo ay ka gareen nabadeenta Soomaaliya.

Hadalka monica juma ayaa imaanaya iyadoo la filayay in horaan sanadkan 2021-ka ay dalka ka baxaan Ciidamda Kenya ee ku howlgala Magaca Amisom.