Doorashadii uu Abiy Axmed diiday oo ka socota gobolka Tigreega

Gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa saaka laga billaabay codeynta doorashada, iyadoo aan dhag loo dhigin hadal kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo kasoo hor jeeday in doorasho laga sameeyo halkaas.

Codbixiyayaasha ayaa waxay aroortii hore ee saaka u dareereen goobaha loo asteeyay inay codeynta ka dhacdo.

Waxaa sawirro laga soo qaaday dad maaskaro xidhan oo cabirka heer kulka laga baadhayo marka ay gudaha u galayaan goobaha codbixinta.

Waxaa codeynta la joojinayaa saacaddu marka ay ku beegan tahay 18:00 waqtiga maxalliga ah.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa doorashadan ku gacan seydhay.

Xisbiga TPLF -oo gacanta ku hayay siyaasadda dalka Itoobiya muddo toboneeyo sano ah ayaa waxay ku hanjabeen in dhibaatada ay sii baahi doonto haddii dowladda dhexe ay isku daydo inay hor istaagto doorashada.

Rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa doorashadan ku tilmaamay mid sharci darro ah. Wuxuu sheegay in xisbiga TPLF ay haystaan waqti ay xafiiska ku sii joogaan kaasi oo ah go’aan ay gaareen aqalka sare ee baarlamaanka bishii June.

Doorashada guud ee dalka Itoobiya ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira feyriska Corona.

Mr Abiy ayaa sheegay in doorashada maanta dhacayso aysan wax farqi ah ku keeni doonin go’aankii horey loo gaaray ee dib u dhigidda dorashada.