Diyaarado Ciidan oo laga leeyahay Kenya ayaa ku daga garoonka Kismaayo : WARBIXN

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ayaa shegaya in jiraan jiraan diyaarado laga leeyahay kenya oo si dhuumaaleysi ah ku yimaada kismaayo , lamana oga shaqsiyaadka ay sidaan

Dowlada federalka Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay amar tasoo lagu wargelinyo diyaaradaha ka daga kismaayo iney soo maraan Magaalada Mudisho Siloo hubiyo , shakigaasi ayaa dhashay markii la helay in saraakiil ka tirsan kenya ay tagaan kismaayo halkaas oo ay kula kulmaan madaxweynaha is caleemo saaray .

Horay waxaa u jiray codad sir ah oo laga helay gudi doorasho oo uu sameestay Axmed Madoobe kuwasoo sheegayay in ay kismaayo kula kulmeen wafdi ka socda kenya oo ay kala hadleen doorashada

Wararka qaar ayaa sheegaya in wafdiga kenya ay jubaland u booqdaan sida deegaan ay  iyadu leedahay maadamada dhowr mar ay ku celclisay in jubaland ay askar kaga geeriyoodeen xiligii ay soomaliya soo galayeen

Markii Dowlada Federalka ay soo saartay amarka ah in muqdisho lagu hubin doono diyaaradaha ka daga kismaayo ayaa arintaas waxaa si weyn kaga carooday Maamulka Axmed madoobe madaama kismayo ay soo cago dhigan jirtay diyaarado ay la socdaan Saraakiil kenya ah kuwaaso wada dhaqaalo lagu taageerayo Maamulka Kaligii taliye Axmed Madoobe

Taas waxaa cadeyn kaaga filan Markii saaka dadka reer kismaayo ay ku waabariisteen ciidamada AXmed madobe oo wata boorar ay ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin in kismaayo laga mamnuucay diyaradihiin sida sharci darada ahaa ugu dagi jiray .

 Sidoo kale banaanbaxyadas  oo ay soo abaabuleen Maaamulka Axmed madoobe ayaa u jeedka ugu weyn waxaa uu ahaa in dowlada fedaralka ka laabto go’aanka kismayo looga mamnuucayay iney yimadaan diyaaradaha kenya .

Maadamada uunan jirin xiriir Axmed Madoobe kala dhaxeeya dowlada federalka ayaa iminka waxaa uu u muuqdaa mid adeegsanaya dadka rayidka e ku sugan kismaayo kuwaaso la iskugu keeno fagarayasha Madaxtooyada kismaayo iyo meelaha dadka ay isugu yimadaan . Dhawaan dowlada federalka dhawaan waxey isugu yeeri doontaa dhamaan qaba’ilada daga Jubaland si ay uga tashadaan ayahooda , isla markaana u qabsadaan doorasho iskood u madax banana