Diyaaradaha Israa’iil oo bartilmaamed ka dhigtay marinka Qaza Habeenka Toddobaad ee toos ah

Weerarada ka socda Gaza ayaa sii socday habeennimadii toddobaad ee toos ah, iyada oo diyaaradaha dagaalka Israail ay bartilmaameedsadeen xarumaha kormeerka ee Xamaas, waxayna ka jawaabayaan weerarada buuraleyda Falastiiniyiinta ee ka dhaca xadka, ciidamada Israel ayaa sidaas leh.

Weerarada cirka ee Maanta ayaa yimid xilli ay soo booqdeen saraakiisha Amniga Masar oo u halgamaya sidii loo joojin lahaa rabshadaha halkaasi ka dhacay.

Diyaaradaha dagaalka iyo kuwa kale ayaa ku dhuftay kaabayaasha dhulka hoostiisa ee ay leeyihiin kooxda Xamaas ee marinka Qaza, ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen militariga Israail,

Ilo wareedyo dhanka amaanka ah iyo Goob joogayaal reer Gaza ah ayaa sheegay in Manta ay weerareen Xamaas goob fagaareyaal ah oo kuyaala magaalada Rafah ee koonfurta wadanka iyo Beit Lahia ee waqooyiga.

Xamaas ayaa sheegtay in Israa’iil aysan ixtiraamin heshiiskii hore kaasoo dhigayay in Israa’iil ay fududeyso xayiraadda ay ku soo rogtay marinka Gaza tan iyo markii ay la wareegeen Xamaas.