Diyaarad sidda Dawo iyo dhaqatir Turky ah oo kasoo Dagay Garoonka Diyaradaha Muqdisho

sareeyefm ( Muqdisho) Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga ayaa isla shalay ka falcelisay xaalada bukaanadii shalay dhaawacyada culus ay kasoo gaareen Qarixii ka dhacay Ex-Control Afgooye

saaka garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho waxaa soo cago dhigtay diyaarad nooca ciidanka ah oo ay leedahay Dowlada TURKIGA waxaana ay waday dhaqaatiir iyo Dawo loogu talo galay dadka xaaladoodu ay liidato

diyaaradaan ayaa sidoo kale dadlka Turkiga sii geyn doonto Tiro dad ah kuwaas oo xaaladooda Caafimaad ay sii liidaneyso

sidoo kale dhacdadaasi waxaa si kulul u canbaareeyay Madaxweynaha Wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan wuxuu dhacdaadsi ka yiri

” Waxaan habaarayaa kuwii ka danbeeyay weerarki argagaxiso ee shalay ka dhcay Ex-control , waxaan rabi ka rajeynayaa in uu u naxariisto shacabka walaalahay ah ee ku dhintay weerarki Arxan darada ahaa

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qaranka Qaranka Soomaaliyeed , Turkiga markasta waa la jooga Soomaaliya. “

dowladda Turkiga ayaa ah Dowlad garab istaag u muujisa shacabka Soomaaliyeed Markii dhibato ay soo gaarto ayadoo lawada xasuusto Kaalintii ay ka qaateen u gurmashadii Weerarkii 2017-kii ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee loogu magac daraday 14-KA OCTOBER.