Dibad baxyo looga soo hoorjeedo Ciidamada Kenya oo ka dhacay qaar kamid ah Dagmooyinka Gobalka Gado
Waxaa dibedbaxyo ka dhan ah ciidamada KDF ee Kenya ay ka bilowdeen degmooyin ay ka mid yihiin; Baardheere, Beled-Xaawo, Ceelwaaq iyo meelo kale oo ka mid ah Gobolka Gedo.
Dadka dibedbaxyaa ayaa dalbanaya in Dowladda Kenya ay qaaddo mas’uuliyadda dilkii arxan-darada ahaa ee ay ka geesteen Tuulada Yado taasi oo hoostagta Dagmada Ceel waaq ee Gobalka Gado, halkaas oo ay ku dileen marxuum Cabdullaahi Warsame Abayle.
Waxaa kale oo ay dibed baxayaashu ay dalbadeen in laga helo geeri iyo nololba 3 qofood oo kala ah: Maxamed Bare Qorane, Warsame Abayle Cilmi iyo Maxamed Shide Xassan oo ay wateen Ciidamada KDF.
Dadwaynaha ayaa sidoo kale ka hadlay gabood fallada cirka iyo dhulba ay ka wadaan Ciidamada Kenya, iyagoo ku gooddiyey inay samaysan doonaan jabhad difaacda naftooda, sharaftooda, jiritaankooda, iyo umadnimadooda, sida ay hadalka u dhigeen.
Waxay kale oo ay umadda Soomaaliyeed u jeediyeen in xasuuqa ay Kenya waddo aanu ahayn mid u gaar ah Gobolka Gedo, balse ay ka dambayso istaraarijiyad ballaaran oo ku dhisan qaybi oo xukun oo ay ku doonayso dhul-ballaarsi kenya, ayadoo kaashanaysa kuwo diirka Soomaali ka ah balse aan damiir Soomaalinimo aan lahyn.
Ugu dambayn dibad baxyadaan ayaa ku soo adaaya aydoo Ciimada Kenya ay dhibaato ku hyaaan Shacabka Soomaliyeed ee ku sugan Deeganada Jubalaand gaar ahaan Gobalka Gado, waxaana hada socda dibadad baxyo looga soo horjeedo Ciidamada Kenya ee ku sugan jubalaand gaar ahaan qaar kamid ah Deeganada gobalka Gado.