Dibad baxyo lagu taageerayo madaxda galmudug oo maanta ka dhacay guriceel.
Banaanbax nabadeed oo lagu taageerayo doorashada Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa goordhow waxaa uu ka bilowday Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka degmada oo taageero u muujiyey Madaxweyne Qoor-qoor iyo ku-xigeenkiisa ayaa haatan waxaa ay ka dhigayaan bartamaha degmada Guriceel, iyagoona wata boorar lagu sawiray madaxda Galmudug, sida uu soo sheegeenba dibadbaxyaasha.
Dibadbaxan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa, kadib markii shalay banaanbaxyo lagu taageerayay madaxweynaha iyo xigeenkiisa ay ka dhaceen Magaalooyinka Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo Cadaado.