Dibad bax lagu taageerayay dowladda Federaalka soomaaliya oo ka dhacay magaalada Beled xaawo.
Dibad bax ballaadhan oo lagu taageerayay dowladda federaalka soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada balad xaawo ee gobolka Gedo,
Banaanbaxaan oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalda Beled xaawo ayaa waxa ay ku muujiyeen sida ay u taageersanyihiin dadaallada dowladda federaalka soomaaliya ay ka waddo gobolka Gedo.
Guddoomiyeyaal xilal kala duwan ka soo qabtay gobolka Geddo oo la hadlay shacabka tirada badan ee isugu soobaxay magaalada Beled xaawo ayaa ka dhawaajiyay in ay hoostagaan oo ay ka amar qaataan wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka soomaaliya islamarkaana waxay hoosta ka xariiqeen in aanay aqoonsaneen Hogaamiyaha is doortay ee Axmed madowbe.
Shacabka ku nool magaalada Beled xawo ayaa in muddo ahba tabashooyin badan ka tirsanayay maamulka Axmed madow ayagoo sheegay in aanu wax ba ka qaban baahiyha ka jirta guud ahaan gobolka Gedo gaar ahaan magaalda Beled xawo.
Ka sokow taageeridda dowladda federaalka soomaaliya ay u muujiyeen shacabka ku nool magaalda Beled xaawo ayaa hadda waxay ka codsadeen dowladda in ay il gaar ah u yeelato xaaladaha ka jira Gobolka Gedo islamarkaana dowladdu ay xoojiso maamulka, kana haqabtirto bulshada baahiyaha dhanka adeegyada ay u baahanyihiin.