Dhuusamareeb oo kulamo xasaasi ah ay ka socdaan si loo xaliyo khilaafka soo cusboonaaday.
Kulamo siyaasadeed oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhex taagan xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa ka socda magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Kulamadan ayaa ah kuwo la doonayo in xildhibaanada Ahlusunna lagu qanciyo in ay dib ugu soo laabtaan guddiga doorashada Galmudug oo ay ka baxeen.
Khilaafka ka taagan doorashadda madaxweynaha maamulka Galmudug iyo ku xigeenkiisa ayaa xoogaystay kadib markii Ahlusunna ay si weyn uga soo horjeestay dalalka dowladda Soomaaliya ay ka wado Dhuusamareeb.
Bayaan kasoo baxay xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug ayaa lagu cadeeyay in aysan qayb ka ahayn doorashada boobka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay doonayso in maamul loogu dhigo Galmudug sida hadalka ay u dhigeen.
…………………………………..