Dhibaatada ay sababaan waxyaabaha loo soo dhoofiyo Dalkeena Soomaliya iyo tayo xumda ka dhalata, wallow ay jiraan wax yaabo badan oo fiican
Soomaaliya waxay mkamid tahay wadama ugu horeeya caalamka ee ay yartahay in ay dibada wax udhoofiyaan, halka waxa ay dibadda kasoo dhoofistaana ay aad u badantahay, ayada oo ay taasi jirta ayaa waxaa yar tayada waxa dalka soo gala
Sida daawada cuntada qalabka dhismaha gaadiidka kala duwan iyo dhamaan waxa dalka lasoo galiyo ee ganacsatada keenaan, tayo xumada waxaa usii dheer qiimaha la iibiyo badeecadahaasi oo ah mid sare.
Sida ay ogaatay idaacada Sareeye Fm waxaa jira dhibaatooyin muuqda oo laga dhaxlo tayada xumada agab iyo dhamaan waxa dalka soo gala ee aan helin hubinta saxda ah ee lagu ogaado waxgalka badeecadahaasi.
Hadii aan tusaaleyno dawada dalka la soo galiyo ee bukaanada u geysta dhibaato caafimaad sidoo kale badeecadaha kale ee raashiinka ugu horeeyo ayaa iyaguna laga dayrinay,a ayadoo khubarada caafimaadka ee aan la xiriirnay inoo sheegeen in cudurka kansarka sababaha ugu badan ee bukaanada ugu dhaco ay tahay tayo xumaha raashiinka.
Inta badan waxaa ay Dawlada dacyactirtay qaar kamid ah wadoonyinka igu muhiimsan Casimada Muqdisho.
Balse wadoonhinkaa manoqon kuwo sidii la rabay loo dayctiro mana helin agab fiicin, si ay wadadu u noqoto mid ay isticmalaa bulashada iyo gaadidka.
Wadadadu waa qayb kamid ah bilicda Magalada, waxayna fududeysaa isku socodka gaadidka iyo dadka, waxana bulshada u tahay muuhimada koobaad ee ay isticmalaan, marka ay rabaan in ay ukala gooshaan qaar ka mid ah dagmooyinka gobalka banaadir.
Waxaa jira wadoonyin badan oo ay Dawlada dib u habeen ku samaysay,ayadoo kaa shaynaysa Dawlada Turkiga oo ah Dawlad inta badan dhankastaka ka caawisa Soomaliya.
Marka laga soo tago wadooyinka ay dhistay Tukiga, waxaa jira kuwo kale oo badan, isla markaana ay dhiseen Companyo Soomaali oo qandaraas ku khaata qaar kamid ah wadoonyinka Caasimada.
Sareeye fm oo u kuur gashay Combaniyaadan ayaa ogaatay in agabkooda uu san lahayn tayo, maadama roobka ay sababaan in ay sameeyan wadoonyinka, taasi waxay cadaysnaysaa in agabka loo isticmaalayo dhisitaanka wadooyinka uu yahay mid tayo ahaan aan wanaagsanayn, waana midaas mida keenta in wadadu ay burburto.
Qalabka Dhismaha oo tayadiisa ay aad usarayso ayaa ah, meesha kaliya ay wadadu ku dhisnaan karto in kabadn 10sano.
Marka laga soo tago qalabka dhismaha, waxaa kaloo jira, dawooyin dhaca oo loo soo dhoofiyo Soomaliya, laguna iibiyo qaar kamid ah Isbitaalada iyo Farmashiyaasha Magalada Muqdisho, tasina ay tahy halis caafimaad oo lagu haayo Bulshado Soomliyed.