Dhaqaalo xumo baahsan oo soo wajahday imaaraatka carabta
Imaaraatka carabta ayaa wajahaya dhaqaalo xumo baahsan ka dib markii uu hoos u dhac weyn uu ku yimid dhaqaalaha imaaraatka carabta.
Wargeyska Bloomberg ee ka faalooda arrimaha dhaqaalaha kana soo baxa dalka mareykankan ayaa faah-faahiyay dhaqaalaha xumada soo wajahday dalka imaaraatka carabta.
Mashaariicyo badan ayuu imaaraatku qorsheeyay in uu ka fuliyo dalkiisa iyo dalalka kale ee uu saaxiibka la yahay hase ahaatee ay hakad gashay guud ahaan qorshayaasha uu imaaraatku damacsanaa.
Mashruuca ugu weyn ee imaaraatku fulinayay ayaa aheyd balaarinta garoonka diyaaradaha al-makhtuum eek u yaalla magaalada dubai ee caasimadda dalkaas.
Garoonkan ayuu doonayay imaaraatku in uu ka dhigo kan ugu balaaran ee caalamka waxaana uu qorshu ahaa in halkii marba ay isaga kala gooshaan 250m oo qof kuwaas oo ka kala imaanaya daafaha caalamka.
36-bilyan ayaa ku baxeysay mashruucan hase ahaatee guud ahaan waala hakiyay dhismaha garoonka ka dib markii dhaqaalo xumo baahsan ay soo wajahday dhaqaalaha imaaraatka.
Sababaha ugu waa weyn ee loo joojiyay mashruucan ayuu wargeysku ku sheegay hoos u dhac ku yimid ganacsiga,dalxiiska iyo shidaalka kuwaas oo dhamaantood ah tiirarka dhaqaale imaaraatka.
Waxaa jira Qatar kale oo loo sababeynayo dhaqaalo xumida baahsan ee soo wajahday imaaraatka sida dagaalada uu hormuudka ka yahay imaaratka ee uu ka wado dalalka yemen iyo liibiya iyo faragelinta uu ku hayo dalal ay ka mid tahay soomaaliya.
Xiisada ka jirta gacanka carbeed ee u dhaxeysa mareykanka iyo iiraan ayaa sidoo kale ka mida qodobada hoos u dhaca u keenay dhaqaalaha imaaraatka.
Dubai waa meel ay isugu yimaadaan ganacsiga caalamka waxayna xudun u tahay dalal badan oo ganacsigoodu ku baaho caalamka aduunka.
Imaaraatka waxa uu dhaqaalo badan ku bixiyay dalalka yemen iyo liibiya isaga oo uga faaiideystay dano badan.
Tan iyo markii uu bilowday gu’gi carabta waxa uu imaaraatka aad uga shaqeeyay in aysan xasilooni noqon dalalka carabta.
Kacdoonkii masar waxa uu imaaraatku ka qaatay kaalin mugleh taas oo keentay in lacago badan uu ku bixiyay kacdoonkii masar.
Sidoo kale imaaraatku waxa uu isku dayay in saameyn ku yeesho dalalka geeska afrika sida soomaaliya iyo jabuuti taasina waxa ay keentay in dhaqaalo badan uu kaga baxo.
Laga soo bilaabo sanadkii 2017-kii waxaa hoos u dhac weyn uu so wajahayay dhaqaalaha imaaraatka taas oo ay ugu weyn tahay lacagaha uu ku bixiyo dagaalka ay ciidamadiisu ka wadaan yemen
Soomaaliya marka loo fiiriyo imaaraatku waxa uu saameyn wanaagsan ku leeyahay gobolada waqooyi iyo bari ee soomaaliya halkaas oo uu ku bixiyo dhaqaalo badan.
Dekedaha boosaaso iyo berbera ayuu imaaraatku gacanta ku hayaa waana meelo muhiim u ah soomaaliya.
Dhaqaalo xumidan baahsan waxa ay keentay in yaraadaan ganacsiyadii badnaa ee ka soconaya magaalada dubai ee dalka imaaraatka.
10-ka sanno ee soo socota aya la qiyaasaya in gabi ahaan ay dhaqaalo xumo baahsan soo wajihi doonto imaaraatka taas oo sababta ugu weyn ay tahay faragalinta uu ka hayo dalalka soomaaliya,yemen iyo liibiya