Dhaawacyadii la geeyay Turkigga oo mid ka mid ah uu geeriyooday

Aamina Cusmaan Kheyre oo dhaawaceedu ahaa mid culus ayaa la sheegay inay geeriyootay, ka dib markii diyaaraddii sidday dhaawacyada  ay ka degtay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Aamina ayaa ka mid ahyd 16kii qof ee dhaawac ahaa ee loo duuliyay dalka Turkiga,

Jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas Turkiga ayaa si weyn u soo dhaweyay eheladii la socotay dhaawacyada,

Waxaana ardayda soomaaliyeed ee wax kabarta dalkaas Turkiga ay gacan weyn ka geesteen dhinaca af celinta, ayadoo bukaan kasta la raaciay arday ka caawiya dhinaca tarjumaadda.

 Ilaa 4 cisbitaal oo ku yaala dalkaas ayaa loo qaybiyay dhaawacyadda.

Waxaana lagu soo waramayaa in dhaawacyadu ay haatan u muuqdaan kuwoo la daweyn karo.

Dhaqaatiirtuna ay bixinayaan dadaal badan oo ku aaddan la tacaalidda dhaawacyada bukaanada.