Deni oo isaga baxay kulankii golaha wakiilada puntland

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si Caro leh uga baxay xarunta golaha wakiiladda maamulka Puntland ka dib markii uu buuq ka dhashay Su’aal uu weydiiyay Xildhibaan ka mid ah baarlamaanka Puntland.

Xildhibaan cawil oo ka mid ah golaha wakiiladda puntland ayaa madaxweynaha puntland iyo ku xigeenkiisa u soo jeediyay in ay is casilaan maadaama ay ku fashilmeen hogaaminta puntland.

 “mudane madaxweyne waxaad xilka heysaa 9-bilood wajiga dhabta ah ee xukuumadda aad hogaamisaa waxaad moodaa in uu ku jiro maalimihii ugu danbeeyay muddo xileedkaada” ayuu qeyb ka mida ahaa hadalkii uu xildhibaan cawil weydiiyay madaxweynaha saciid deni

Madaxweyne Deni oo isaga oo xanaaqsan xildhibaannada u jawaabay ayaa isla markiiba ka baxay hoolka isaga oo aad u xanaaqsan.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad hor taagan horumarka Puntland oo Xildhibaankaasi uu ka mid yahay, isagoo sheegay in xildhibaanka laga rabo Cadeymo.

Deni ayaa ugu hanjabay xildhibaanka su’aasha weydiiyay ” xildhibaan Cawil waxaa looga fadhiyaa cadeynteeda inuu keeno Masaajidada layga soo qunuuday” (Habaaray)”

Ku dhawaad 10-bilood oo uu xilka saciid deni ayay u muuqataa in uu ku fashilmaya hogaaminta dowlad goboleedka puntland