Deg-Deg: kenya oo wada qabanqaabada xafladda iscaleema saarka Axmed Madoobe.

Si sharci darro ayay garoonka diyaaradaha ee magaalada kismaayo uga degtay diyaarad laga leeyahay dalka kenya,taas oo ka soo duushay garoonka jomma Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Xad gudubka kenya ayaa weli halkiisa ka socda waxaana ay gabi ahaan kenya burburisay cilaaqaadkii diploomasiyadeed ee kala dhexeeyay soomaaliya.

Diyaaradan ayaa magaalada kismaayo ka dajisay madaxweyneyaashii hore ee dowlad goboleedyada galmudug iyo k/galbeed c.kariin xuseen gulled iyo shariif xasan sheikh aadan,waxaana ujeedkoodu uu yahay in ay ka qeybgalaan iscaleema saarka uu sameysano madaxweynihii waqtigiisu dhamaaday ee jubaland.

Inkastoo ay dowlada soomaaliya fasaxday duulimaadyadii tagi jiray magaalada kismaayo,ayaana haddana loo arkaa talaabadan mid ay kenya ku lug leedahay.

Kenya ayaa aad uga qeyb qaadaneysa qaban-qaabada uu isku caleema saarayo axmed madoobe,waxaana ay bixineysaa qaraashaadka ku baxay xaflada is caleema saarka.

Faragelinta kenya ay ku heyso soomaaliya waa mid ay kula safan tahay siyaasiyiin ka aragti duwan dowlada faderaalka,damaca ugu weyna uu yahay xalaaleysiga badda ay leedahay soomaaliya ee dacwadeedu ay ka furan maxkamdda cadaalada aduunka ee icj.

Kenya uma socoto keliya in ay sii huriso Isfahan waaga siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda maamulkii hore ee jubaland iyo dowlada faderaalka hase ahaatee danteeda waa in ay siyaasiyiinta qaar u kaashato xalaaleysiga biyaha soomaaliya.

Dowlad goboleedyada waxa ay hoos yimaadaan dowlada faderaalka,

Ujeedada kenya ka weyn madaxda faderaalka.

Weli shacabku kuma aysan baraarugin dib u dhaca ay siyaasiyiinta soomaalida qaarkood kala shaqeynayaan kenya in ay qaadato mid ka mida nimcooyinka uu alle siiyay soomaaliya.

Taariikhda ayaa qof waliba ku qori doonta buugga diiwaanka taariikhaha xumaan iyo samaan intuba.

Weli shacabku kuma aysan baraarugin dib u dhaca ay siyaasiyiinta soomaalida qaarkood kala shaqeynayaan kenya in ay qaadato mid ka mida nimcooyinka uu alle siiyay soomaaliya.