Deg-Deg: Banaanbaxyo ka socda Somaliland
Banaan baxyo waa weyn ayaa ka bilowday magaalooyink dhowr ah oo ka tirsan Somaliland kuwaas oo looga soo horjeedo maamulka talada haya ee uu hogaamiyo muse biixi cabdi.
Magaalooyinka burco,maroodi jeex,qeybo ka mida magaalada hargeysa iyo meelo kale ayuu hadda ka soconaa dibadbaxa looga soo horjeedo caburin ay shacabku sheegeen in ay ku dhaqaaqday xukuumadda talada haysa.
Ereyo ay ka mid ahaayeen doono meyno kaligii taliye iyo kuwo kale ayay ku dhawaaqayeen dibadbaxayaasha oo socod dheer ku maray wadooyinka ug waa weyn ee Somaliland.
Isu sococka gaadiidka iyo dadweynaha ayaa hakada ku jira waxaana gabi ahaan albaabada la isugu dhuftay goobaha ganacsi.
Ciidamada Somaliland ayaa adeegsanayaa rasaas nool-nool oo ay ku kala eryayaan dadka dibadbaxa dhigaya waxaana jira isku dhac dhexmaray dibadbaxayaal isugu soo baxay magaalada burco iyo ciidamada Somaliland.
Muuqaalo iyo masawiro laga soo qaaday goobaha ay dibadbaxyadu ka socdaan waxa ay muujinayaan ciidamada Somaliland oo jirdil xoogga u geysanaya dadka dibadbaxa isu yimid.
Dibadbaxyadan ayaa daba socda xarig lagula kacay xubno ka tirsan xisbiga wadani iyo xayiraad la saaray xarunta xisbiga uu ku shaqeeyo ee magaalada hargeysa.