Deegaano hoostaga Gaarisa oo weerar uu ka dhacay
Wararka ka imaanaya deegaan lagu magacaabo Sareedo oo hoostaga mgaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubaysan ay weerar culus ku qaadeen iskuul ku yaala deegaankaasi.
Iskuulka la weeraray ayaa waxaa wax ku barta arday, waxaana la sheegay in kooxda hubaysan ay rasaas ku fureen goob ay ku sugnaayeen ardayda sida ay dadka deegaanka ay sheegayaan.
Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku geeriyootay halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacantay rasaasta ay fureen kooxaha hubaysan.
Wararka ayaa intaasi waxa ay kusii darayaan in kooxda weerarka qaaday ay goobta ka baxsadeen mana jiraan weli wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka Kenya ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya iyo kuwa Maraykanku ay ku leeyihiin deegaanka Lamu, iyadoona dagaalkaasi uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac isla markaasna Al-Shabaab ay ku gubtay gaadiid dagaal iyo diyaarado ciidan.