Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay Warar sheegayey inuu isbeddelay Mowqifka kiiska badda ee horyaalla Maxkamadda ICJ.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda ayaa Beeniyey warar ay baahiyeen qaar ka mid warbaahinta oo ahaa inuu isbeddelay Mowqifka Dawladda soomaliya ee ku aadan qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.
C/nuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Wararkaasi ku tilmaamay been Abuur , isaggoo Xusay in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka uu wado Baaritaan ku saabsan Ilaha Wararkaan Been Abuurka ah Baahiyey.
“Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha wararkan been abuurka ah” Ayuu yiri C/Nuur Maxamed Axmed