Dawlada Kenya oo ku hawlan sidii ay ugala bixi lahyd Ciidamadeeda ku sugan Jubooyinka iyo amar ay dul dhigtay Axmed Madoobe
saraakiil isugu jirta nabadsugida iyo ciidanka xooga Kenya ayaa kulan la qaatay Maxadweyne Axmed Madoobe ee ka arimiya magalada Kismaayo , Kuwaasoo cadaadis ku saaraya in Axmed Madoobe qaadaco heshiisyadii is afgaradka maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe ee ka dhacay magalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug
waxay usheegeen in Uhuuru Kenyaata wacad ku maray in ciidanka kenya kala bixi doonto jubbooyinka hadii uusan Axmed Madoobe qaadicin natiijada shirkii dhuusamareeb ka dhacay taariikhda marka ay ahyd 23 bishii julay ee sanadkaan.
Saraakiishaasi ayaa waxaa kamid ah talyaha nabad sugida Ciidanka Kenya, kaasi oo lagu magacaabo Alexander Muteshi, Gordon Kihalangwa iyo saraakil kale oo ka tirsan Ciidamada Kenya, waxayna kulan laqaateen Madaxwaynaha kumeel gaark ah ee Axmed Madoobe.
Shirkaan ayaa wuxuu ajandihiisu ahaa sidii Axmed Madoobe looga dhaacin lahaa in uu gabi ahaanba uu ka tanaasulo natiijadii shirkii Dhuusamareeb, ayadoo hadii uu adkaysto in uu amarkooda qaadan waayana, in Ciidamada Kenya ee ka hawl gala Jubooyinka ay kala bixidoonaan, sidoo kale Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in uu safro Kenya gaar ahaan Caasimda Neroobi, halkaasi oo uu kula shiri doonaa madaxda Dawlada Keenya.
Sidoo kle xogaha la xiriira kulanka Axmed Madoobe iyo saraakiisha sirdoonka Kenya ayaa waxay muujinaysaa in ay safarka ku wehlin doonaan siyaasiin hore oo xiriir la leh Kenya, kullanka ayaa lagu wadaa in uu dhaco 15 bishaan oo loo madalsanyahay Shirkii Dhuusamareeb ee ay dib ugu kulmi lahaayeen Maamul goboleydyada iyo Madaxweyne Farmaajo iyo xubno kamid ah dowlada dhexe.
Sareeye oo u kuurgashay wax ka ogaanshaha ajandaha Nayroobi ee Uhuuru ku casumay siyaasiintaasi, ayaa waxay xogtu sheegeysaa in sidii looga sii shaqeyn lahaa baajinta shirka dhuusamareeb ee loo madalsanyahay 15 bishaan.
Dawlada Somaliya iyo Maamulka Jubaaland ayaa waxaa hareyey khilaaf dhanaka siyaada ah, tan iyo markii dib loo doortay Madaxwaynaha ku meel gaarka ah ee Axmed Madoobe, balse shir ka dhacay Magalda Dhuusa mareeb ee xarunta Galmud dabayaaqadii bishii julay ee sanandkaa ayey heshiis ay gaareen labada dhinac ee Dawlada dhexe iyo Maamulkaasi.
Dawlda Kenya ayaa dhibaato ku hayso shacabka Somaliyeed ayado inta badan ay adeegsato qaar kamid ah Maamul Gobaleedyada iyo Mucaaradka, kuwaasi oo danaheeda gaarka ah ay ku fiirsato, sidoo kale shirkaasi ayaa waxaa ku wahelinaya Axmed Madoobe madaxwaynaha Muumlka Butlaand Siciida Cabulaahi Dani