Dadka ka soo dagaya garoonka aadan cade ee magalada muqdisho oo laga baarayo Coronavirus.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka bilowday nidaamka dadka garoonka Aadan cadde  kasoo degaya in  laga baaro caabuqa Coronavirus ee shiinaha ka dilaacay kuna faafay dalal kale.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in dhaqaatir ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay howshaasi maanta ka wadaan garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Dhaqaatiirka ayaa waxaa sameynayaan in mid mid ay u  baaraan dadka kasoo degaya Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

Madax Ka tirsan  Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa ay sheegtay  in tallaabadan looga gol leeyahay sidii looga hortegi lahaa halista ka dhalan karta cudurkaas dilaaga ah ee Coronavirus ee ka dilaacay dalka  shiinaha