Dab ka kacay xarumo ganacsi ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug

Dab qasaara gaystay ayaa shalay ka kacay Xarumo Ganacsi oo ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Dabka ayaa ka bilowday kaalin Shidaal oo ku taalla bartamaha magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu ku fiday goobo ganacsi oo ku dhegan Kaalinta Shidaalka.

dhuuso-mareeb oo ah magaalo madaxda dowlad goboleedka galmudug ayay dadka ku nool magaaladaas dhib weyn ku qabaan in aysan heli karin gawaarida dab-damiska marka uu dab ka kaco magaaladda,waxaana inta badan ay qasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed ka soo gaartay ganacsatada ku nool dhuuso mareeb.

Xildhibaano,Siyaasiyiin Ganacsato iyo mas’uuliyiin kale oo saameyn leh ayaa laga soo doortaa Magaaladda Dhuuso-mareeb, waxaana intooda badan aysan waxba ka qaban baahiyaha ay qabaan shacabka ay matalaan gaar ahaan in aysan xitaa deegaanka gaarsiin gaadiid dab-damis ah kaas oo lagula tacaalo marka dab uu ka kaco magaaladda.

Cel-celis ahaan Xildhibaanada iyo Mas’uuliyiinta ka soo jeeda Magaaladdan ee matala dadka shacabka ayaan ka warheyn baahiyaha dadka ay matalaan,taas badelkeedana ay hoteelo iyo guryo qurux badan ka dhisteen Magaaladda Muqdisho.

Dhinaca kale ganacsatada ku nool dhuuso mareeb ayaa iyaguna ka gaabiyay doorkii ay ku lahaayeen bad-baadinta hantidooda.

Dadaalo ay sameeyeen bulshada ku nool Magaaladda Dhuusa mareeb & maamulka degmadda ayaa ugu dambayn ku guulaystay in ay damiyaan dabka.

Saraakiisha booliska Galmudug oo goobta ka hadlay ayaa nasiib Darro ku tilmaamay in Maamul dhan uusan laheyn Baaburta dab-damiska.

Saraakiisha booliska galmudug ayaa dadka shacabka ah ugu baaqay in ay isku tashadaan isla markaana hadda ka dib ay la xisaabtami doonaan dadka shacabka ah haddii aysan isku tashi sameyn