Culamada Soomaliyeed oo ku baaqday in lala dagaalamo dhaqanada ka soo horjeeda Diinta
Shir ay iskugu yimaadeen Culum’ udiin, Aqoonyahanno, xubno ka tirsan Hay’adaha Dowladda iyo mari sharaf kale ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho, kaas oo lagu falanqaynayey dhacdooyinka la xiriira anshax xumada soo badaneysa maalmihii danmbe iyo muqaadaraadka ama maandooriyaasha kala duwan, ee dalka ku sii faafaya, si xowl ah.
shiran oo ay u dhammaayeen Qeybaha kala duwan ee bulshada sida Odayaasha dhaqanka,Ganacsatada, Haweenka, dhalin yarada. mas’uliyiin ka tirsan dowladda faderaal ah, sida Waasaradda Cadaalada, WasaaradaDiinta iyo Awqaafta iyo Hay’ado kale, ayaa gababada shirka laga soo saray war murtiyeed, kaasi oo looga soo hor jeedo dhibaatoyinka bulshada ku hayaan waxyaabaha la xiriira anshax xumada iyo muqaadaraadka kuwaasi oo dhaqan ahaan iyo diiin ahaanba aan wanaagsanayn.
Todobaadyadii ugu danbeeyay ee la soo dhaafay ayaa waxaa soo badanayey falalka la xiriira kufsiga iyo waxyaabo badan oo anshax xuma ah, kuwaasi oo bulshada ku haayo dhibaato aad u baahsan.
Culimadda waxay shirkan kasoo saareen qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen in dowladda ay ka hortagto anshax xumada iyo muqaadaraadka ama mandooriyaasha kala duwan, kuwaas oo ay dhibaato weyn ku qabaan bulshada Soomaaliyeed.
Shirka waxaa ka hadlay musuuliyiin matalaysa dhammaan dadkii ka soo qaybalay, waxaana la is dhaafsaday xog ku saabsan mawduuca la iskugu yimid, Talooyinks shirka la iskula qaatay waxaa ka mida.
- In ilaalinta anshaxa iyo la dagaalanka mukhadaraadka la siiyo mudnaanta koowaad, sida ay diintu na farayso masuuliyaduna
- In hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh ilaalinta Anshaxa guud ee Bulshada iyo wacyi galinta Ummadda ay iska kaashadaan sidii ay u yeelan lahaayeen qorshe midaysan oo la xariirta.
- In qaybaha kala gadisan ee shacabka iyo hay’adaha dowladdu iska kaashadaan la dagaalanka anshax xumada iyo mukhadaraadka , culumadana loo fududeeyo dacwadda iyo wacyigelinta.
- In dalka laga hir geliyo Hay’adda Wanaag faridda iyo Xumaan reebidda, loona magacaabo guddigii diyaarin.
- In – si deg deg ah- la dajiyo lana ansixiyo sharciga la dagaalanka mukhadiraadka.
- In la dhiso gole culumo oo dastuuri ah oo hubiya is waafaqsanaanta xeerarka la soo saarayo iyo shareecada islaamka ,sida dastuurku qabo.
- In wax laga qabto hay’adaha ajnabiga ah ee ku lug leh anshax xumada iyo mukhadiraadka.
- In la qabto shir weyne qaran oo ku saabsan la dagaalanka anshax xumada iyo mukhadiraadka.
- in laga hortago oo la joojiyo wax kasta oo dhiirigalinaya anshax xumada iyo fuxshiga , sida is dhexgalka qaabka daran , iyo meelaha lagu tunto