Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ka sameeyay tuulooyin hoostaga magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa Ciidamadu waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen deegaanka Ceel-Saliini iyo deegaanno kale oo hoostaga magaalada Marka,waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey oo looga hortegayay dagaalo ay Al-shabaab ka gaystaan Gobolka Shabeelaha hoose.
Taliyaha Guutada 1-aad ee Ciidanka Dhulka korneyl Xassan Maxamed Abuukar oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ay Al shabaab ka saareen deegaano hoostaga Deegaanka Ceel-Saliin oo dhawaan Al shabaab ku qaadeen weerar khasaaro badan gaystay.
“Howlgalkaan waxa uu ahaa mid roondo ah oo argagaxisada looga sifeynayay meelaha ay kaga dhuumaaleysanayaan hareeraha waddooyinka iyo dhulka beeraha ah.” Ayuu yiri Kornayl Xasan.
Taliyahu wax faah faahin ah kama bixin khasaaraha howlgalka, balse wuxuu sheegay in uu ahaa mid ay ku xaqiijiyeen amniga tulooyin dhowr ah oo ku dhow Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in howlgalalda ay ahaan doonaan kuwa si joogta ah uga sameeyaan deegaannada kala duwan ee Gobolka Shabeellaha hoose si Al-Shabaab ay uga saaraa