Ciidamada kumaandooska ee soomaaliya oo la wareegay deeno badan oo ku yaalla Jubbaland
Ciidanka kumaandoosta ee ka howlgala deegaanada maamulka Jubbaland, oo kaashanaya ciidamadda AFRICOM ayaa saacadihII u dambeeyay duqeeyay Fadhiisimo ay ah Al-shabaab ku lahaayeen, deegaanka Caanoole,oo hoostaga degmada Badhaadhe ee gobalka Jubbada hoose .
Dhinaca kale duqeyn tan la mid ah ayaa ciidanku ka fuliyeen xero ku taala degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Dhexe oo ay ku tababarayeen AL SHABAAB
Waxaa sidoo kale ay Ciidanku duqeeyeen saldhiga kooxda ay ku lahaayeem degmada Jilib oo ka tirsan isla gobalka Jubbada Dhexe oo ay ku sugnaayeen Hogaamiyayaal sar sare oo ka tirsan Al-shabaab,waxaana lagu bur buriyay saldhigii ay halkaas ku lahaayeen
.
Gaashaanle dhexe Xasan Maxamed Ciraaqi oo ah Taliyaha Ciidanka kumaandoosta Soomaaliya qeybta Jubbaland oo la hadlaya Warbaahinta Qaranka ,ayaa u xaqiiyay in goobaha ay duqeymuhu ka dhaceen lagu gaarsiyay Khasaaro xooggan horjoogayaashii ku sugnaa halkaasi wakhtiga duqeyntu dhaceysay.
Ciidanka Xoogga ayaa laba jibaaray howlgala Al-shabaab looga saarayo deegaanada jubbaland iyo guud ahaan dalka, sida uu sheegay Gaashaanle dhexe xasan maxamed ciraaqi.