Ciidamada Kenya oo dilk iyo dhaawac ugu gaystay dad shacab ah Gobalka Gado

Ciidamo kartisan Kenya ayaa Dad Shacab ah ku dilay deegaan lagu magacaabo Yeedo oo hoosta taga Dagmada Ceelwaaq ee Gobalka Gado.

Ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa Howlgal ay ka sameeyeen Deegaano hoos yimaad degmada Ceelwaaq ay ku soo qab-qabteen dad shacab ah kuwaasi oo ku sugnaa Guryahooda, iyagoo dil iyo dhawaac u gaystay dhalinyaro ku sugnayd xaafadahooda.

Hal qof ayay dileen ciidamada kenya halka 2 qof oo kale ay dhaawaceen kuwaasi oo aan waxba galabsan.

Warar hoose oo Sareeye ay heshay waxa ay sheegayaan in qofka ay dileen iyo dhaawaca ay u geysteen dadka shacabka ay horey u qaateen.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada Ceelwaaq oo ku aadan dhacdadaasi ay geesteen Ciidamada Kenya.
Ciidamda kenya ayaan faah-faahin ka bixin weerarka ay ku dileen dadka shacabka ee aan waxba galabsan

Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamada Kenya ay dilaaan dad shacab ah, aydoo marar badan ay tacadiyo u gaystaan dadka shacabka ee ku nool deegaanada jubbaland gaar ahaan Gobalka Gedo.

Sidoo kale kenya waxay faragalin ku haysaa Soomaaliya iyadoo u soo mareysa dhanka maamul Gobaleedyada gaar ahaan Jubbaland iyo mucaaradka, kuwaasi oo ah marinka ay kenya u adeegsato dib u dhaca dalka, waxayna raadinaysaa in meesha laga saaro madaxda hadda talada heysa.

Damaca kenya ayaa ah in madaxda talada hada haysa ay meesha ka baxdo,maadama ay culeysyo kala kulantay.