Ciidamada Kenya ma sharci ayey Somalia ku joogaan mise waa ciidamo soo duuley

12kii December 1964tii ayey aheyd markii ugu horeysey ee Kenya loo aqoonsado inay tahay Jamhuuriyad madaxbanaan, halka waqtigaas Somalia ay aheyd Jamhuuriyad iskeed u taagan oo xor ah in ka badan 4 sano. Kenya dhul ahaan Somalia ayaa ka weyn, cabirka dhulkeedu waxaa lagu qiyaasaa 580,367 square km, halka Soomaaliya ay ku fadhido dhul cabirkiisu yahay 637,657 sq km, lehna xeeb dhererkeedu ka badan yahay 3,333 kilometers, taasoo Somalia baddeeda ka dhigeysa badda ugu dheer qaaradda Afrika iyo Bariga dhexe (Middle East). Tirada “Kenyan-Somalis ama Soomaali Kenyaatiga ah” waxa lagu sheegaa 3 milyan waana tiro aad uga yar marka la bar-bardhigo tirada qowmiyadaha kale ee dalkaasi oo qiyaastii ka badan 48 Milyan, halka wadanka Somalia dadkiisu dhamaantood yihiin hal qowmiyad oo Soomaali ah, tirada dadkiisana lagu qiyaaso inta u dhaxeysa 10 ilaa 15 milyan. Waxaase xusid mudan, laga soo bilaabo markii Somalia ay gobonimadeedii heshay 1dii Luulyo 1960kii, dadkeeda & dowladeeduba waxay difaac iyo halgan naf iyo maalba leh la garab taagnaayeen una hureen walaalihii Soomaaliyeed ee heeryada Kenya & Ethiopia ku hoos noolaa kuna bahdilnaa, ilaa dowladdii Somalia ay u burburtey dhaawacyadii ka soo gaarey halgankaas loogu raadinaayey xuquuqdooda!

Kenya waxay markii ugu horeysey ciidamadeeda soo galeen xaduuda Somalia si sharci daro ah 12kii October, 2011, waxaana duulaankaasi qaawan ay ugu magac-dareen “Ilaalinta Danaha Qaranka Kenya (‘Linda Nch)”, hadafkeeda 1aad waxuu ahaa inay aag military (buffer zone) ka sameystaan inta u dhaxeeya xuduuda Kenya iyo qeybo Koonfurta Somalia ah. Waxayna ugu dambeyntii qabsashada aaga magaalada Kismaayo timid muddo ka badan 2 sano ka dib.

Inkastoo ay Kenya qaadatey koofiyada ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM bishii Febraayo 22, 2012, haddana weli siyaasiyan waxay ka amar qaataan taliskooda difaaca Kenya ee “KDF”. Mandate-ka AMISOM, Kenyana ay xiran tahay koofidooda ayaa ah ilaalinta gargaarka bani’aadanimo iyo taageerida go’aannada hay’addaha dowladda Federaalka Soomaaliya si dowladdu ay u gudato howlaheeda qaran, haddana Kenya iyo ciidankeeda gudaha Somalia marnaba diyaar uma ahan inay ku shaqeeyaan siyaasadda & isbedelka lagu sameeyo ciidamadda AMISOM iyo hoggaanka dowladda Somalia, sidoo kalena, waxaa marar badan lagu eedeeyey xadgudubyo gudaha iyo kuwa caalami ah oo cimilada ah iyo burburinta ay ku hayso hantida iyo nolosha dad Soomaaliyeed. Waxaana u sii dheer damaceeda ay ku raadinayso dhul iyo bad Soomaaliyeed oo kheyraad badan oo dihin uu ku jiro, dacwadna ay ka taalo “ICJ”.

Ugu dambeyntii, maadaama Kenya uu khilaaf siyaasadeed, dhul iyo bad uu kala dhexeeyo Jamhuuriyadda Somalia, isla markaasna ay jibisey xeerar badan oo caalami ah, diyaarna aysan u aheyn ka baxista ciidamadeeda Somalia ku sugan xitaa haddii uu Barlamaanka Somalia meel mariyo, haddaba, maxay tahay talaabada la gudboon dadka & hoggaanka dalka Soomaaliyeed si loo ilaaliyo qaranimada, xaduudaha, wadajirka iyo midnimada Somalia

Xikmad Soomaaliyeed ayaa oraneysa “Buur ahow ama buur ku tiirsanoow”, Ma is leedahay maanta waxaa la gaarey xiliggii Somalia ay saaxiibadeeda caalamka weydiisan laheyd “heshiis iskaashi military ah” (Joint Patrols), Inta dadka & dowladda Soomaaliyeed awood ugu yeelanayaan mar kale ilaalinta danaha guud ee dalka & dadka, cirka, dhulka iyo badda, cid kasta oo jirintaankooda ku soo xadgudubtana siin karaan mudnaanta ay leeyihiin?