Ciidamada Dowladda oo howlgal gaar ah fuliyey
Ciidamada Dowladda ee ka howlgalla gobolka Hiiraan ayaa howlgallo lagu sugayay amniga ka sameeyay tuulooyinka u dhaxeeya degmada Maxaas iyo deegaanka Muqokori.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidamadu ka sameeyeen tuulada Muuse-geel iyo kuwa kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada.
Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisu ahaa sidii Al-Shabaab looga saari lahaa waddooyinka u dhaxeeya deegaanka Moqokori iyo degmada Maxaas oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan.
Sidoo kale saraakiisha ciidamada xoogga ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka soo qaadeen illaa 400 (Afar boqol) neef oo ari ah oo ay sheegeen inay horay uga qaadeen dadka shacabka,kaddib markii ciidamadu ay weerareen goob ay ku aruurinayeen,iyadoo dadki lahaa ay ciidamadu dib ugu celiyeen xoolahooda.
Majiraan dhankooda wax wara ah oo kasoo baxay Al-Shabaab,kaas oo ku aadan in Ciidanka dowladda ay howlgal uga soo furteen Xoolo nool oo ay dad Shacab ah horay uga qaadeen Al-Shabaab.