Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay askari qof shacab ah ku dilay Dhuusamareeb

……………………………………………

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada booliska magaalada ay gacanta ku dhigeen askari qof shacab ah ku dilay magaalada dhuusamareeb, iyadoo marxuumka la dilay uu saarnaa mooto bajaaj.

Sida wararku sheegayaan Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabayay C/raxmaan Maxamed Maxamuud, waxaana la sheegay inuu ahaa qof dhagool ah.

ciidanka Nabadsugida ayaa u suurata gashay in ay gacanta ku dhigaan askariga falka dilka ah geestay islamarkaana  xabsiga u taxaabaan.

Wararka ayaa sheegaya in Mootada uu ninka saarnaa la rasaasayay, xilli ay  mareysay goob Ciidamada ka ag-dhowaayeen.