Carada Kenya ay ka qaaday Muranka Badda oo sababay iney si xishood la’aan ah u faro galiso soomaaliya : warbixin

Maxaa ka jira wararka sheegaya in doorashadii axmed madoobe ka hor ay deeganada jubaland soo gaareen wafdi ka scda dowlada kenya oo ay hogaamineysay wasirada arimaha dibada ee kenya munica juma taasoo gudiga doorasha kismaayo balanqaadyo u sameysay ?

Doorasho beenaadkii uu qabsaday Axmed Madoobe waa mid ka yaabisay bulshada qeybeheda kala duwan.

Kenya waxey sheegtay in doorashada uu ku guuleystay Axmed tahay mid xalaal ah

Dowlada somaliya oo ka walaacsan , kana xun waxa ay ku tilmaamtay “is-caleemo saar baalmarsan habraaca doorashooyiinka, dastuurka iyo shuruucda” Soomaaliya.

Ma jiro ururo iyo wadamo  kale oo soo dhaweeyay is doorashii ka yaabisay indhaha caalamka ee ka dhacday kismaayo

James Swan, ayaa isaguna dhaliilay sida loo waday qaban qaabada iyo hanaanka doorashada

Hadaba su’aasha is wey diinta mudan ayaa ah waxa kenya ay ka damacsantahay Maamulka Jubaland ? ma waxey is dareensiisay in  Jubaland tahay qeyb ka mid ah kenya oo waxey donto ay ka sameysan karto

Mise Axmed madoobe ayaa heshiis kula galay kenya iney la maamusho jubaland

Axmed madoobe iyo kenya oo isla socda waxey caburin iyo hadad ku hayaan bulshada ku nool jubooyinka qasan kismaayo waana tan keentay iney bulshadu ka hadlin afduubkii doorasho ee ka dhacday jubaland

Ka hor doorashii gacan ku nooleyska aheyud ee ka dhacday jubland waxaa jiray hadalo hanjabaad ah oo ay direysay dowlada Kenya taasoo dhiiro galin looga dhigaayay Maamulka  kismaayo , kenya xi,ligaas waxey sheegtay iney ka go’an tahay iney xoog iyo xeeladba ayadoo adeegsaneysa ay soo saarto axmed madoobe

Sababta ugu weyn ee kenya ka careysatahy ayaa ah in dowlada fderalka ay ka diiday kenya in heshiis lagala galo arimaha beda, xiligaasi waxii ka danbeyay kenya waxey si tos ah u muujisay dagaalka ay kula jirto somaliya

Madaxweyne ku xigeenka kenya wlyam rutu waxaa uu ugu hanjabay somaliya in wax kasta oo ay dhib ku gaarsiin karaa somaliya ay sameyn doonaaan ilaa ay ka laaabato Somalia moqifkeeda ay ku muujisay arrimaha bada iyo iney ka tanashuso Dacwadii bada ee loo gudbiyay ICJ 

Kenya markii ogaatay ineysan ku guuleysan Karin Muranka Bada waxey si xoojisay faro gelintii ay ku heysay soomaliya sida ku cad cod sir ah oo laga helay Gudoomiyaha Gudi doorasho oo uu sameyay Axmed MADOBE

Si kastaba ha ahaatee baarlamaaka somaliya ayaa bilaabay mooshin dalka looga saarayo ciidamda kenya taaso bilaaban doonto bilowga bishaan , xildhibanada Mowshinkaas wada ayaa sheegay iney uga jawaabayaan mooshin ay gudbiyeen Baarlamaanka dalka kenya kaas oo isna dhigayay   in ciidamada militryga kenya la geeyo meelaha muranka uu ka jiro .

Somaliyaa waxaa jooga Ciidamo nabad ilaalin kaasoo kuwoo ka socda wadamo dhowr ah oo somaliya daris la’ah  waxeyna kala joogaan gobola qaar ee somaliya gaar ahaa meelaha laga kiciyay al shabab waxeyna joogaa shan sector oo ah meelaha looga arimyo ciidamadaasi sida

Sectorka koowad oo ku yaala magaalda muqdisho waana sectorka ugu weyn oo ay leyihiin ciidamda amisom waxaana bdana ku yaaal xafiiska taliyaha cidamada Amisom waxaana jooga ciidamo yugadha ah

Sectorka labaad ayaa waxaa uu ku yaal jubada hoose gaar ahaan dhoobley iyo afmadow waxaana ku sugan cidamda kenya wauxuuna ka mid yahay sectarada aan amarka ka qaadan magalada muqdisho taliska Amisom ee muqdisho

Taas waxaa cadeyn kaaga filan sida loo jabiyay amarka taliyaha Amisom oo xafiiskiisa yahay magalada muqdisho

Hadaba ciidmada kenya xiligaan soomaaliya kuma joogaan rabitaanka shacabka soomliyaa mida dowlada federlka  ah iyo tan beesha caalamka waxaana markii mowshinkaas la ansixiyo bilaaban doonta eryida ciidamda calooshod u shaqeestasha ee kenya ay soo dirsatay .