Cabdiqaasim Salaad Xasan oo fariin muhiim ah u diray ka hor furitaanka shirka Muqdisho
Madaxwaynihii hore ee Dowladii Kumeel gaar ahayd ee dalka Cabdi Qaasin Xasan Salaad ayaa ka hadlay xaalada siyaasaded ee dalka si gaar ah ah khilaafyada dhinaca aragti kala duwanaanshaha ee soo kala dhexgashay madaxda faderaalka iyo qaar ka mida hoggaamiyayaasha dowlad goboleedyada.
madaxweyne Cabdiqaasim ayaa kula taliyey in madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland in xalka laga eego dhinacyada wanaaga , wada shaqeynta iyo isu tanaasulka, si loo gaaro horumar iyo in Dalka ay ka dhacdo Doorasho la isku waafaqsan yahay .
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan loo baahan yahay in laga gudbo nidaamka 4.5, islamarkaana dalka la gaar siiyo doorasho dadweyne, si shacabka dib loogu celiyo awooda, isla markaana ay qayb ka ahaadaan geedi socodka Dalka.
“4.5, awood qaybsiga beelaha waxa ay ahayd arrin muddo kooban loo baahnaa in ay ahaato oo qabiil iyo waxaas ku dhismin, haatan waxaa loo baahan yahay in loo gudbo doorasho dadweyne si shacabka ay u doortaan qofka ay doonayaan” ayuu yiri C/qaasim.
Hadalka Madaxwaynihii hore ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan Magaalada Muqdisho ay shir wada-tashi ah ku leeyihiin Madaxweynaha JFS , iyo hoggaamiyeyaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo ka maqnaa shirkii Dhuusa mareeb Saddex.
Kulankan oo loo balansanaa inuu dhaco habeenkii khamista aheyd ayaa baaqday, iyadoo ay Axmed Madoobe iyo Siciid Dani cadaadis kala kulmaayaan Beesha Caalamka, waxayna walaac ka muujinayaan War murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb.