Caabuqa Cusub ee shiinaha ka dilaacay oo baqdin ku abuuray caalamka.
Caabuqa cusub ee lagu arkay dalka Shiinaha islamarkana imika ku sii faafaya meelo ka baxsan Shiinaha ayaa ah “mid laga hortagi karo lana xaakameyn karo “, waxaa sidaasi sheegtay dowladda Shiinaha.
hasa yeeshee Guddiga caafimaadka ee Shiinaha, ayaa ka digay in loo baahan yahya in si dhaw loola socdo cudurkani.
Saraakiisha caafimaadka Shiinaha ayaa waxay intaa ku dareen in aan wali wax badan laga ogeyn qaabka la isugu gudbiyo cudurkan iyo noociisa.
ilaa iyo hadda dad fara badan ayaa u dhintay xanuunkan oo la xiriira dhanka neef mareenka kaasi oo ku sii faafayay magaalada Wuhan ilaa bishii December.
Waa markii ugu horeysay oo ay dowladda Shiinaha war ka soo saarto cudurkan aan la garanayn,waxayna saraakiisha dalkaasi sheegeen in ay sare u qaadi doonaan la socoshada xaaladda xanuunkaan sii faafaya.