Bulshada Galmudug oo taageertay doorashooyinka madaxda Baarlamaanka ee Galmudug

Shacabka Magaalada Galkacyo ayaa taageeray doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka dhacday magaalada dhuusamareeb.

Qaar ka mid ah Bulshada oo isku soo baxay tageerrida doorashada Gudoonka Barlamaanka Galmudug ka sameeyey Magalada Galkacyo ayaa tilmaanay in ay tageerayaan dadaalada Dowlada Somalia iyo hannaanka loo maray dhismaha Dowlad Goboleedkaasi.

Dhinaca kale qaybahaBulshada deegaanada Galmudug ayaa soo dhoweeyay doorashadii ka dhacday Magaalada Dhusamareb ee lagu doortay Gudoonka Baarlamaanka Galmudug.

Bulshada ayaa Xildhibaanada Galmudug ugu baaqay inay Doortaan Madaxwayne Samatabixin kara Galmudug bacdamaa dhowaan la filaayo  doorashada Madaxwaynaha Galmudug iyo ku-xigeenka