Boqortooyada Imaraadka oo xayiraad dhanka fiisaha ku soo rogtay Dalal ay kamid tahay Soomaaliya
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xayiraad hor leh kusoo rogtay 13 dal oo u badan Muslimiin, isla markaana ay ku jirto Soomaaliya, kuwaasi oo laga joojiyey bixinta fiisooyinka cusub ee dalkaasi.
Imaaraadka ayaa dalalkaasi ka joojiyey fiisooyinka booqashada iyo shaqada ee uu hore u siin jiray muwaadiniinta kasoo jeeda dalal ay ka mid yihiin Somalia, Iran, Turkey iyo Syria, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Waraaqda xanibaadan cusub ayaa waxa loo kala diray shirkadaha ka shaqeeya dalkaasi ee inta badan shaqaalaha ka qaata dalalka lagu soo rogay xanibaada.
Imaraadka ayaa u muqda mid ku dag dagay arintaasi, waxayna ku yeelan kartaa samayn wayn oo dhaqale, islamrkkana waxaa yaaran doona daqliga uu ka helo waxaad socdaalka ee wadankaasi.
Imaraadka Carabta oo ah wadamada ugu dhaqalaha badan wadamada la isku dhaho khaliijka, ayaa 13dal ku soo rogay Xanimaad dhanka Fiisaha ah , kuwaasi oo ay kamid tahay dalkeena Soomaaliya.
Xayiraadda fiisaha ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah muwaadiniinta Algeria, Kenya, Iraq, Lebanon, Pakistan iyo Tunisia, sida ku xusan waraaqda kasoo baxday Imaaraadka Carabta.
Xiirka Soomaaliya iyo Imaraadka ayaa ahayn mid wanagsan, kadib markii Dowlada Imaraadka ay bilowday faragalin Arimaha Gudaha Soomaaliya, sidii Dowlada Soomaliya loogu furi lahaa qalale siyaasadeed.