Booliska Abu Dubi oo hirgaliyey Gaadiid Dadka lagu dawaynayo

Booliiska Abu Dubi ayaa bilaabay nidaam gaadiid caafimaad leh. iyada oo loo marayo qalliin lagu xakameyn karo bukaannada qaba cudurrada faafa, Sidoo kale ay qayb ka tahay tallaabooyinka taxaddarka ee masiibada COVID-19, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Wakaaladda Wararka ee Emirates.

Adeeggan dhowaan la bilaabay ayaa la filayaa inuu noqdo kii ugu horreeyay noociisa oo kale ah oo ka dhaca gobolka iyo dalka waana qayb ka mid ah tallaabooyinka taxadarka ah ee ay qaadayso UAE, lagulana dagaallamayo masiibada COVID-19.

Kornayl Pilot Obaid Mohammad Al Shemeli, Kuxigeenka Agaasimaha Waaxda Duulista ee Booliiska Abu Dhabi, ayaa sheegay intii lagu gudajiray furitaanka nidaamka Abu Dhabi, ay diiradda saarayeen sidii ay ula socon lahaayeen kor u qaadista iyo hanaanka horumarka dalka.