Beesha Caalamka oo war ka soo saartay heshisski dowalda faderaalka Soomaliya, Muumul Gobaledyada iyo Gobalka Banaadir

Beesha caalamka oo qoraal kasoo saartay heshiiskii doorashada Soomaaliya ee dhawaan ay wada gaaren dowladda faderaalka iyo dowlad goboleedyadyada xubnaha ka ah ayaa sheegtay inay ka xun tahay in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee Soomaaliya.

War Saxaafadeed ka soo baxay wadamada beesha caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in ay garwaaqsan yihiin Saaxiibada Beesha Caalamka Heshiiskii ay gaareen dowladda federaalka iyo dowlad Gobeeledyada, kaasi oo dhawaan lagu gaaray Magalada Muqdisho.

“Saaxiibada beesha caalamku waxay qirayaan in heshiiskan uu ka dhashay wadahadal ay Soomaali garwadeen ka tahay, isla markaana ay Soomaali leedahay, kaas oo dhexmaray madaxda DFS iyo DGXF,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay beesha caalamka.

Dowlada Soomaliya ayaa sheegtay in doorashadaan ay noqon doonto doorasho shacabka awooda dib loogu soo celiyo, balse qaar kamid ah Maamul Gobaleedyada ay caadis ku sareen in dowlada ay qabato Doorasho Dadban, waxaana tanaasul sameeyey madaxwaynha si dalka uga dhacdo doorasho la isku waafaqsan yahay.

Wadamada iyo hay’adaha soo saaray war saxaafadeedkan waxaa ka mid ahaa Belgium, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Japan, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Suudaan, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Qodobadii ka soo baxay shirkii ku soo idlaaday magaalada muqdisho ayaa waxaa la horgeyn doonaan golaha shacabka si ay u meelmariyaan