Beesha Caalamka oo soo dhawaysay wada-hadalada u dhexeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iy Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka

Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay dib u bilaabashada wada-hadalka u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka oo haatan uu shir uga socdo Muqdisho.
War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu yiri, “Saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya waxay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ iyo Madaxweynayaasha DGXF ku bogaadinayaan ka qayb-galka shirarkan muhiimka ah ee ka socda Muqdisho.”
“Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan Madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qayb-qaataan wadahadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo lana hirgelin karo.”
“Qoraalkan kasoo baxay beesha caalamka ayaa ugu dambeyntii lagu yiri, “Saaxiibada caalamku waxay ka codsanayaan madaxda Soomaaliya inay waxqabadkooda ku hagaan danta qaranka iyo himilooyinka dimoqoraadiyadeed ee dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin marxaladdan taariikhiga ah.”
War-saxaafadeedkan waxaa si wadajir ah u soo saaray ururrada iyo dalalka kala ah, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain, Denmark, Dowladda Maraykanka, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Masar, Midowga Yurub, Norway, Qadar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkey, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay