Banaanbax lagu taageerayay madaxda Galmudug oo ka dhacay Mudug iyo Galgaduud.
Banaanbaxyo lagu taageerayo Madaxda Cusub ee Dowlad Goboleedka galmudug ee shalay lagu doortey Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta ka bilaawdey deegaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Deegaannada ay banaanbaxyada ka bilaawdeen ayaa waxaa kamid ah Magaalooyinka Dhuusamareeb Cabudwaaq,Gaalkacyo iyo Cadaado,waxaana banaanbaxa dhigaya dadweynaha Magaalooinkaas.
Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa ay wataan boorar uu ku sawiran yahay Madaxweynaha galmudug ee lagu doortey dhuusamareeb ee Axmed Cabdi Kaariye,iyaga oo ku dhawaaqaya Erayo ay ku taageerayaan doorashadaas.
Banaanbaxyada oo si isku mid ah uga socdo magaalooyinka,Dhuusamareeb,Cadaado iyo Gaalkacyo ayaa waxaa jira mas’uuliyiin ka qeyb-galaya,kuwaas oo iyana taageersan doorashadii agu qabtey Dhuusamareeb.