Axmed Modoobe oo ka Hadlay Arimaha Doorashada Soomaaliya. isagoo ku baaqay in Ciidamada xooga laga saaro Gobalka Gado

Hoggaamiyaha mmaamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay Arrimaha Doorashada Soomaaliya isagoo walaac ka muujiyay Soo magacaabis la’aanta Guddiga Doorashada, islamarkaana Doonaya in waqtiga inta ka hartay ay marmarsiiyo ku dhameeyaan Jubbaland iyo Puntland.

Axmed Madoobe ayaa Sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Gobolka Gedo ay yihiin jabhad lagu sii daayay Gobalkaasi, islamarkaana sheegay in Arintaasi u egtahay wixii dhacay sanadkii 1991-kii.

Axmed Madoobe oo Maamula Kismaayo iyo Afmadow oo kaliya, iyadoo Gobalka Gado uu san tagin tan iyo markii uu xukunka kula wareegay si baal marsan sharciga, isagoo ku fashilmay Hoggaaminta Maamulkaasi oo mar sadexaad uu ku saaran yahay awoodda Ciidamada Kenya.

Axmed Madoobe ayaa intaasi ku sii daray in Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed laga saaro Gobalka Gado islamarkana ay diyaar u noqonayaan Soo Magacaabista Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka.

Hoggaamiyaha Jubaland ayaan ka hadlin dhibaatada Ciidamada Kenya ay ku hayaaan Dadka Shacabka Gaar ahaan Gobolka Gedo.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay dhawaan ay Soo saareen xubnaha Mucaaradka war-murtiyeed ka kooban ilaa 18 qodob, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen In Dowlada ay ka soo saarto Ciidamada Xoogga ee ku sugan Gobalka gedo, islamarkaana Maamulkaasi looga dambeeyo Axmed Madoobe