Axmed Madoobe oo wada Qorshe uu ku doonayo Xildhibanada kumataya Jubalaand Baarlamanka soo socda
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa wada qoshe uu ku handadayo xubnaha jubbaland u matalin doono baarlamaanka soo socda.
Xog sir ah oo ay heshay sareeye ayaa sheegeysaa in Axmed madoobe uu mar hore diyaariyay xildhibaanadda Jubbaland u matali lahaa baarlamaanka 11-aad ee soo socda si gaar ah xubnaha ka imaanaya gobolada Jubooyinka.
Beelaha degga Jubbaland ayaa dhowr jeer cabasho ka muujiyay awooda uu kaligiis isku koobay Axmed madoobe,iyadoo ay xusid mudan tahay in dil ,xarig,handadaad iyo falal kale Lagula kaco odayaasha ka soo horjeesta Axmed madoobe.
Sareeye Fm waxay ogaatay in xubno u badan saaxiibadda Axmed Madoobe uu u soo xulay labada gole ee Jubbaland ku matali doona baarlamaanka.
Heshiiska dooroshooyinka ee dowladda faderaalka iyo dowlad goboleedyadda ayaa sheegay in xildhibaankiiba ay doortaan 101 ergo taas oo hadda u muuqata mid uu musuq-maasuqay madoobe.
Inta badan odayaasha dhaqanka,waxgaradka iyo aqoonyahanadda ku nool magaaladda kismaayo ayaan ka hadli karin boobka uu Axmed madoobe ku hayo shacabka sababa amni dartood oo xitaaa mararka qaar keenta in waxyeelo loo geysto qofkii ka soo horjeesta aragtida madoobe.
Axmed Madoobe ayaa muuqifkiisa ugu wayn uu yahay in Xildhibanada Jubaaland uu ugu Adego Damaca kenya ee ay ku doonayso qaar kamid ah Deeganada Jubaland Gaar ahaan Gobalka Gado iyo kisamaoyo oo hada ay Ganata ku hayso Kenya.