Axmed madoobe oo qorsheynaya in uu magaalada kismaayo ka saaro siyaasiyiinta ka aragti duwan

Xiisad dagaal  ayaa laga dareemayaa Gudaha magaalada Kismaaayo, oo ay ku wada Sugan yihiin Saddex-Madaxwayne, 

Dhaq-dhaqaaqyo hor leh ayay ciidamada ilaalada u ah saddexda madaxweyne ee is magacaabay ka sameynayaan gudaha magaalada kismaayo.

Cabdirashiid maxamed Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar maax oo labadaba si wadajir ah u sheegtay in ay yihiin madaxweynaha jubaland  ayaa Heshiis ku gaaray inay iska difaacaan Hadii uu Weerar uga yimaado madaxweynihii uu waqtigiisu dhamaaday ee jubaland Axmed maxamed islaam Madobe.

Kulamo gaar ah oo uu axmed madoobe la qaatay saraakiil ka amar ka qaata ayuu kala hadlay sidii magaalada kismaayo looga saari lahaa c/rashiid maxamed xidig iyo c/naasir seeraar maax kuwaas oo ka mida 3-madaxweyne ee lagu dooratay kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa dhowaan ku goodiyay in uu talaabo ka qaadi doona siyaasiyiinta ka aragti duwan ee ku sugan ksimaayo Wuxuuna hadalkiisa raaciyay in uu dulqaadkii ka dhmaaday.

Siyaasiyiinta falanqeeya siyaasadda ayaa ku waramaya in hanjabaada axmed madoobe ay dhaawici karto nabadgelyada guud ee jubaland.

 26-Ka Bishan sebteembar ayuu Qorshaynayaa axmed madoobe inuu si iskiis ah u Qabsado Caleemo-saar.

Isla Dhinaca kale madaxwayneyaasha kale ee lagu doortay ksimaayo  ayaa iyaguna qorsheynaya in ay caleemo saar ku sameystaan magaalada kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka jubaland

Ku dhawaad 7-sanno uu xilka hayay madaxweynihii waqtigiisu dhamaaday ee jubaland axmed maxamed islaam ayaa lagu eedeeyay in uu galay dambiyo kala duwan oo siyaabo kal gedisan uga dhacay deegaanada jubaland.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayaa Gudaha magaalada Kismaayo Lagu dhaawacay  Gudoomiyihii Isbadal Doonka jubaland Axmed jaamac qalyar vWaxaana la Tuhunsan yahay in falkaas ay ka  dambeeyeen Ciidamo ka Amar Qaata Axmed Madoobe.