Axmed Madoobe oo ka baxay heshiiskii laga gaaray arimaha Doorashooyinka Soomaaliya
Hoggaamiyaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe aya balankii uga baxay madaxweynaha JFS iyo madaxda maamul goboleedyada kaas oo heshiis rasmi ah ay ka gaareen arrimaha dooroshooyinka.
Madoobe oo khudbad ka dheer ka horjerdinayay xildhibaanadda baarlamaanka Jubbaland ayaa mar kale si cad ah u sheegay naceybka uu u qabo ciidnka xoogga dalka ee habeen iyo maalin u taagan difaacca xuduuda gaar ahaan ciidamadda xoogga dalka ee ku sugan gobolka gedo.
Axmed Madoobe Waxa uu calaamo su’aal dul dhigay ciidamadda xoogga dalka ee difaaca uga jira xuduuda uu dalkeennu la wadaago kenya taas oo maalin kaste dhibaato u geysatay shacabka soomaaliyeed ee gobolka gedo.
Dad badan ayaa la yaaban sababta axmed madoobe kaliya indhihiisu ay u qabtaan ciidamadda xoogga dalka ee difaaca uga jira xuduuda soomaaliyaa iyo kenya,waxaana dad badan ay qabaan in axmed madoobe oo banaanka keenay garabka uu kenya ku siinayo qabsashada gobolka gedo iyo in qalalaaso hor leh laga abuuro gobolkaas.
Dhinaca kale ilo lagu kalsoonaan karo ayaa innoo sheegay in Axmed uu qadka taleefanka kula hadlay saaxiibkiisa denni oo ku sugan imaraatka,waxaana labada nin ay ka wada hadleen in la carqaladeeyo dooroshooyinka soomaaliya iyaga oo taageero ka helaya kenya iyo imaaraatka.
Axmed ujeedada kale ee uu leeyahay ayaa ah in gacanta uu ku dhiggo soo xulista xildhibaanadda baarlamaanka 11-aad ee JFS si gor-gortan uu uga galo doorashada madaxtinimo ee dalka si uu u fuliyo ajandayaasha kenya iyo imaaraatka.
Sikastaba ahaatee Axmed Modoobe ayaa ka hadlin Gobood falka kenya ay kawada Gudhaha Soomaaliya Gaar ahaan Jubooyinka Iyo Gado, asagoo taasi badalkeeda doonaya in Ciidamada Soomaaliya laga saaro Gobalkaasi.