Ardayda soomaaliyeed ee wax ka barata dalka shiinaha oo qeylo dhaan u diray dowladda soomaaliya.

Ardayda soomaaliyeed ee wax ka barata magaalda uu ka dilaacay caabuqa coronavirus ee wouhan ayaa wajahaya baqdin, gaajo, iyo wehel la,aan ka dib markii ay ku xayirmeen qololka jaamacadda ay dhigtaan.

Waxayna dowladda soomaaliya ay ka codsadeen in ay ka daad gureyso magaalada go,doonsan ee wouhan,

Dalalka mareykanka iyo japan ayaa muwaadiniintooda ka soo saaray magaalda uu ka dilaacay cudurka aan la garaneyn ee coronovirus.

“xaaladda ka jirta magaalad wouhan aad iyo aad ayay khatar u tahay “ ayuu yidhi yasin abdi saciid oo ka mid ah dhowr arday oo wax ka barata magaalada.

:”magaalada way xidhantahay, dukaamada oo dhan ayaa xidhan, maamulka magaaladana ma ogola in laga baxo magaalada ama la soo galo, magaaladaana waa halkii uu ka dilaacay cudurkaan saf mareenka ahi”

Ayuu yidhi yasiin oo intaa ku daray in gawaaridu aanay shaqeyneynin, isbitaaladana ay buux dhaafsheen bukaanada uu soo ritay xanuunka coronoviruska.

Sidoo kale Ridwaan maxamed nuur oo 22 jir ah, kana mid ah ardayda wax ka barta jaamacadaha shiinaha ayaa sheegay in muddo 5 maalin ah ay ku xariranyihiin qolalka jaamacadda,

Kali waxaan gaarnaa buu yiri illinka hore ee jaamacadda si aanu u soo qaadano xoogaa cuno ah oo maalin kasta innoo keenaan macalimiinta jaamacadda.

“xitaa daaqadaha ma furno waayo waxaanu ka baqnaa in dabeeluhu gudaha innoo soo geliyaan xanuunka viruska,

Waan baqeynaa, waxaanu afka ku duubanjirnay maro balse haatan ma heli karno, aad ayaanu u dhibanahay buu yiri Ridwaan maxamed oo ka mid ah ardayda soomaaliyeed eek u go,doosan magaalada cudurku uu ka dilaacay ee wouhan.

Jaamacadaha dalka shiinaha ayaa la filayay in la furo bisha labaad ee fabuary dabaal degga sanadka shiinaha ka dib, balse maamulka ayaa sheegay in ay sii xirnaan doonaan jaamacadaha bil kale.

“wasiirka arrimaha dibadda ee soomaaliya waxaanu ka codsaneynaa in uu naga daadgureyo magaaladan, waxaanu u baahanahay gar gaar deg deg ah ; ayuu yiri Ridwaan maxamed nuur .

Guud ahaan 34 arday oo soomaaliyeed  ayaa ku nool magaalda wouhan, waxayna ku wada xidhiidhaan qeyb ka mid ah baraha bulshada, ilaa iyo haatana ma jirto arday uu saameeyay xanuunkaan aan la garaneyn ee gallaaftay nafaha in ka badan boqol qof.

Ugu dambeyntii ardaydaan soomaaliyeed ee ku xanniban magaalada wouhan ee dalka shiinaha ayaa ka codsaday dowladda soomaaliya in ay ka soo gaarto oo ay ka bixiso magaaldan halista aha, ama ugu yaraan ay geeso meelo kale oo ka mid ah dhulweynaha shiinaha ee aanu gaarin xanuunka.